Xarunta ka hortaga cunsuriyeynta ee magaalada Kalmar

Waxaan nahay xafiis dadka ka caawiya kalana taliya arrimaha quseeya cunsuriyada. Sida xafiiskani ku bilowday.

Xafiiska ka hortaga cunsuriyada ee magaalada Kalmar waxaa la aas aasay xagaagii 2005-ta. Waxaa nahay xarun ka madax banaan siyaasad, diin  iwm. Una furan inuu ku soo biiro qof walba iyo urur walba oo la dagaalamaya cunsuriyeeyn nooc walbaba.
Shaqada xarunta Dhaqaalaha ugu badan xarunta waxaa siiya hay’ada dawladeed ee u qaabilsan is dhexgalka dadka , Ungdomsstyrelsen, iyo kamuunka kalmar oo isna taageero dhaqaale ah siiya xarunta. Waxaa kaloo xarunta taageera dadka ka tirsan ururka la dagaalanka cunsuriyada.

Waxaanu la dagalaanaa cunsuriyada nooc walba oo ay tahay, sida mida ku dhisan jinsiyada, diinta ama takoorid qofka loo cunsuriyeeyo waxa uu yahay. Waxaan kaloo aan u ol oleynaa in la sameeyo sharciyo ku haboon cunsuriyada iyadoo lo marayo wadada sharciga ahna la ciqaabo cida wax cunsuriyeysa.

Anaga hawshayadu waxey ku egtahay inaanu siino taageero iyo talooyin cida dareemeysa in la cunsuri yeeyey, waana lacag la’aan hawsha aan u qabano dadka la dhibaateeyey, ee tirsinaya cunsuriyada.

Waxaan kaloo ka shaqeeyno inaanu dhax dhaxaadino, labada qolee kala ashtakoonaya, kan dareensan in la cunsuri yeeyey iyo kan lagu tirinayo inuu wax cunsuri yeeyey. Waxaan kaloo qofka ka cabanaya cunsiriyad aanu ka caawinaa inaanu ku hagno meeshuu uga dacwoon lahaa dhibaatada cunsuriyad ee loo geystay, hadeey ahaan laheyd mid shaqo loogu diiday diin ama midab iwm ama si kaloo loo cunsuri yeeyeyba.

Waxeeynu kaloo ka shaqeynaa sidaan u kordhin laheyn wacyi galinta dhibaatada ay cunsuriyadu leedahay anagoo booqana goobaha shaqada iskuulada iwm.

Xafiiskayaga wuxuu ku yaalaa Nygatan 30, dabaqa 1, wuxuuna furan yahay maalin walba oo aad nagu soo booqan karto. Waxaanse jecelnahay inaad horey noo soo wacdo si aanu kuu sugno.
Waxaad nagala soo xirriri kartaa telefoonka ah:
telefoon: 0480-26220